Dib u Habeynta Amniga Caasimada ayaa Fure u ah Fashilinta Weerarada Kooxda Shababka

Somalia news

Kadib markii 30-Saacadood oo dagaal lagu qaaday koox tiro yar isla markaasna la adeegsaday gacan culus oo lagu burburiyay dhismaha Hoteelka, ayaa mar kale waxaa soo ifbaxaaya Habacsanaanta & Hogaanka jilicsan Villa Somalia iyo Madaxda Amaanka loo xushay…

Magaalada Mogadishu ayaa waxaa ka holwgala Ciidamo isbarbar socda oo Magacyo been loo bixiyay, kuwaasoo Madaxweynihii talada la wareega uu soo uruursado ama beeshiisa ay saameyn xoogan ku leedahay Shaqo qorista Ciidamada, talaabadaan ayaa soo bilaabatay xiligii Col.Cabdullaahi Yuusuf, kooxda Argagixisaduna waxey ka faa’iideysteen ciladahaan, iyadoo Jawaabta Ciidamada Dowladdu iney deg deg u howlgalaan waxey qaadataa 2-3 Saacadood.

Waxaa ka sii daran in Saraakiisha & Ciidamada Amaanka lagu tilmaamo kuwo Asluubtooda iyo amar qaadashadooda ay hooseyso, waana ayaan darro in Howlgal muddo 30-sacadood uu qaato, waxaana sabab u ah, iyadoo marba Ciidan Magac wata la geliyo saacado kadibna laga soo saaro, Sida Howlgalka Hoteelka Xayaat oo markii hore ay galeen Ciidamada NISA ee Gaashan, kadibna loo yeeray kuwa Alfa Group kadib ay soo galaan Haramcad.

Waxaa kaloo ka daran in Ciidamada Saldhiggyada ay qori caaradiis ku qaadaan Canshuur sanadeedka laguna qasbo Milkiilaha Guriga inuu 6-bilood soo hormariyo Canshuurta, arrinta kale ayaa ah in kooxda Shababku ku bartilmaameedsaneyso Ganacsatada diida iney Baada bixiyaan meheradooda, ilaa inta isbedel aan qabiil ku dhisneyn laga helaayo, waxeyna Qorshayaasha Amaan ay Dowladu dejiso kuwo ku dhisan ”Riyo maalmeed”

208770cookie-checkDib u Habeynta Amniga Caasimada ayaa Fure u ah Fashilinta Weerarada Kooxda Shababka