Ma Dhabaa in Howlgaladii ” Macawisleyda” ay Badeleen Sawirka Amni ee Somalia

Somalia news

Inkastoo gulufka Dagaal ee Kooxda argagixisada Shababka ee ka bilaawday Gobolka Hiiraan ay hormuud u noqdeen Kooxda ”Macawisleyda” una soo jiitay indhaha Beesha Caalamka, talabadaan ayaa keentay in dareenka Dowladaha & Diblomaasiyada u soo jeedsadaan taageerida xaalada Amni ee Dalka Somalia..

Waxaa Dowlada Federaalka ay dejisay Qorsha dagaal kaasoo wajigiisii hore 85% guulo laga gaaray xoreynta degaano badan oo ay gacanta ku hayeen kooxda Shababka ee Gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kale Dowladu diyaarisay Qorashayaal kale oo ay dagaalo kaga fureyso kooxdaan Gobolada Galuduud, Mudug iyo Shabeeleda dhexe.

Waxaa bogaadin mudan in Iyadoo kolonyadii ugu horesay muddo 14-sano ah Ciidamada Dowladda Federaalka kaga baxeen magaalada Mogdishu 14-Gadiidka Xamuulka iyo kuwa dagaalka ay ku gaareen si nabad ah magaalada Dhuusa mareeb, talaabadaan ayaa ka dhigan in horumar laga gaaray dhanka Amniga, 12-Gaari ayaa waxaa iska lahaa Ciidamada Guutada Gorgor, kuwaasoo loo xil saaray iney xoreeyaan Degmooyinka Xaradheere, Ceeldheer, Ceelbuur iyo degaano kale.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in marka hore ay wiiqi doonaan Awooda Maleeshiyo ee kooxda Shababka, kadibna wada hadalo la furi doonaan, si firxadkooda uusan u gelin Dalalka Deriska, Iyadoo fekerka wadahadalada ay shaki ka muujiyeen Dalal dhowr ah iyo Khubarada qaarkood, waxeyna tilmaameen in la wiiqo awooda kadibna lagu soo afjaro qaab wadahal.

214850cookie-checkMa Dhabaa in Howlgaladii ” Macawisleyda” ay Badeleen Sawirka Amni ee Somalia