HRW Oo Dowladda Federaalka Ugu Baaqday iney Dib u baarto Dilkii Degaanka Gololeey

Somalia news

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee (Humar Right Watch) ayaa mar kale warbixin ka soo saartay dil laba sano ka hor degaanka Golaleey loogu gaystay shaqaalo caafimaad, iyadoo maamulkii Farmaajo uu ka gaabiyay inuu wax ka qabto…

Hey’adda HRW ayaa sheegtay in Madaxweynaha cusub ee Somalia looga baahan yahay inuu dib u furo baaritaanada Shaqaalihii Caafimaad ee lagu dilay degaanka golaleey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hoos ka akhriso warbixinta hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch

Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay xasuuq lagu xasuuqay 8 ka mid ah shaqaale caafimaadka oo ka howlgalayay tuulada Golaley ee katirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Hay’adda udooda xuquuqda Aadanaha ee HRW ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in baaritaannadii lagu sameeyay dilkan iyo kuwa kale oo dambeeyay oo dhacay sannadihii ugu dambeeyay aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa balanqaaday inuu mudnaanta koowaad siinayo dib u habeynta sharciga iyo garsoorka.

191400cookie-checkHRW Oo Dowladda Federaalka Ugu Baaqday iney Dib u baarto Dilkii Degaanka Gololeey
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com