Villa Somalia oo Ku Mashquulsan Magacaabista Xilalka Sare Dowladda Federaalka

Somalia news

Iyadoo uu Maamulka Xasan Sheekh ee Villa Somalia si nabad ah xilka kula wareegay isla markaasna bilaabay inuu isbedel ku sameeyo Xilalka muhiimka ee Dowlada Federaalka , ayaa waxaana soo shaac baxaaya Beelaha qaarkood ay saamigooda Jagooyinka aysan heli doonin..

Wararka ayaa sheegaya in magacaabista Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo shalay loo magacaabay Xilka Agaasimaha guud ee Hay’ada NISA, iyadoo Beesha Habar gidir ay weyn doonto xilka Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, waxaana lagu wadaa in loo magacaabo Xubin ka soo jeeda Beesha Murusade.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa loo badinayaa in loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, horena uu xilkaan usoo qabtay wuxuu jufo hoose la yahay Farmaajo, waxaana xilkaan haya Yuusuf Odowaa oo Xasan Sheekh ku beel ah.

Halka si lagu wado, Taliyaha Ciidamada Boliiska waxaa loo magacaabi doonaa Xubin ka soo jeeda degaanada Konfur galbeed (waxaana loo badinayaa Xaamud), iyadoo Taliyaha Asluubta loo magacaabaayo Sarkaal ka soo jeeda Beelaha 5-aad.

191080cookie-checkVilla Somalia oo Ku Mashquulsan Magacaabista Xilalka Sare Dowladda Federaalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com