Kooxda Shababka oo Sheegtay Weerar ka Dhaxay Duleedka Laamu (Kenya)

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay degaan hoos yimaada Gobolka xeebta Lamu ee dalka Kenya, qaraxaan ayaa mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Shabaabka….

Qaraxyadaan oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay galbinayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Ijaara iyo Sangaa’ilow, qoraal ay kooxda Argagixisada Shabaabka ayaa ku sheegtay in qaraxa uu haleelay gaari kolonyo ah oo ay la socdeen ciidanka Boliiska Kenya, isla-markaana uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dishay nin Injineer ah oo u dhashay dalka Shiinaha, kolonyada la qarxiyey ay safarkooda sii wateen, kadib weerarka ay la kulmeen, waxaana la sheegay in degaanka lagu weeraray ay xaaladdu degan tahay.

193590cookie-checkKooxda Shababka oo Sheegtay Weerar ka Dhaxay Duleedka Laamu (Kenya)
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com