Kacdoon Dib isaga Xoreyn Kooxda Shababka ah Oo Abaabulkeeda Laga Dareemay Degaano Badan oo Dalka ah

Somalia news

Magaalooyinka Dhuusa Mareeb, B/weyne & Gaalkacyo waxaa laga dareemay Dhaqdhaqaaq colaadeed abaabul xoogan, iyadoo loogu diyaar garoowbaayo dib u xoreynta degaanada ka maqan gacanta Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana gaaray degaanadaasi Ciidamo Gurmad ah oo ka socda Dowlada Federaalka..

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay i dagaal seddex aag ah hal mar ay qorsheysteen inay kaga furaan Maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Konfur galbeed, si Maleeshiyaadka kooxda xididada looga siibo degaanadaasi, wixuuna sheegay in xiligaan uu jiro Kacdoon Dadweyne, kadib markii ay bilaabeen inay dadka cabsi geliyaan oo ay ceelasha ka duugaan, isla markaana ay carruurta dadka ka afduubtaan.

Madaxweynaha oo safar shaqo ku jooga Dalka Mareyjanka ayaa sheegay, “in sidoo kale diyaar garow weyn ayaa ka socda Jubbaland, waxaa fakar igu heysa Gobolka Jubbada Dhexe oo ah gobolka kaliya oo ay Al-Shabaab 100% ka taliyaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka codsaday Dalalka daneeya Somalia iney Gacan ka siiyaan Dagaalkaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in dhawaan la arki doono in laga suuliyo guud ahaan Gobolada Dalka kooxdaan, Dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ayaa Somalia ayaa soo socday in ka badan 15 sano ilaa hadda lama yareyn awooda, iyadoo Horjoogayaasha kooxdani ay ku dhiirato iney Baad joogto ah ka qaadaan Ganacsatada iyo Dadka Rayidka, waxeyna sii kordhiyeen weerarada gaadmada ah iyo qaraxyo culus.

213990cookie-checkKacdoon Dib isaga Xoreyn Kooxda Shababka ah Oo Abaabulkeeda Laga Dareemay Degaano Badan oo Dalka ah