Ma Dhabaa in Mareykanka ay ka Goos Qabsadeen iney Dal ku gal siiso La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha 

Somalia news

Macluumaad sirdoon ayaa muujinaaya in La-taliyaha Amniga Madaxweynaha Somalia Mr.Xuseen Macallin uu ka mid ahaa Saraakiishii loo dalbay Dal ku gal (Visa USA), iyo inuu Wafdiga Madaxweynaha ka mid noqdo uusan helin, sidaasna uu safarka kaga baaqday..

Maxaa Sababay ka Baaqashada Safarka

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Mr.Xuseen Macallin oo la dhashay Wasiirka Garsoorka & Dastuurka aan lagu xulan Aqoon iyo karti balse uu ku muteystay xilkaasi qaraabanimo, Sarkaalkaan ayaa lagu eedeeyaa inuu ka mid yahay Shaqsiyaadka labada kaar ku shaqeeya inkastoo aan caddeyn loo heynin, waxaana laga yaabaa taasina ay sababtay in Mareykanka ka gaabsadaan la shaqeyntiisa iyo xog la wadaagida Sarkalkaan.

Waxaana xuuraan lagu helay in Sirdoonada Dowlado dhowr ah oo deriska ah ay ka biyo diideen iney la shaqeeyaan, waxaana sabab looga dhigay inuu ku milan yahay xubno badan oo labada dhinac u shaqeeya kana shaqeysta, waana markii 2-aad oo Mareykanka uu diidaan La-taliye Amni inuu Dalkooda booqdo.

Xafiiska Amniga Madaxtooyada:-

Ayaan darrada jirta ayaa ah in 10-kii sano ee u dambeysay xulashada Xubnaha Amniga Qaranka ayaan noqon mid laga faa’iido aqoontooda balse ku shaqeeya rabitaanka Mas’uulka xushay, waxaana Xafiiskaasi weli ka taagan isku dhex yaac, aamin darro & jadwal shaqo oo hagaagsan oo aan loo dejin Maamulka Xafiiskaasi, oo looga fadhiyay inuu noqdo kan ugu awooda badan kana tala bixiya 3-daan qodob.

-Dejinta Istrateejiyada Amniga Dalka, waxaa muhiin in Amniga Dalalka Deriska uu xiligaan u muuqdo mid kala daadsan uusana jirin Xiriir wada shaqeyn oo ka dhaxeeya Xafiiska Amniga iyo Dowladaha deriska.

-Xiriirka iyo Xog is dhaafsiga Sirdoonada Deriska iyo Dalalka daneeya arrimaha Somalia, khubaro Amni ayaa qaba in Xiriirka Dalalkaan iyo Xafiiska Amniga Madaxtooyada uu yahay mid hooseeya oo gaaray kala shaki, Mr.Xuseen Macallin ayaa qoraalo xarxardhan baraha bulshada u adeegsada gudbinta fariimihiisa, iyadoo lagu tilmaamay in la kala saaro Amniga iyo daneysiga kooxeed.

-Wada Shaqeyn la’aanta Xafiiska Amniga Madaxtooyada iyo Xafiisyada Amniga Gobolada oo xogta shaqo inteeda badan ay taalo ayna u baahan yihiin Mas’uul la aamini karo oo ay la wadaagaan macluumaadka ay hayaan.

Sikastaba ha ahaateen La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga ayaa xiligaan laga tabay ka maqnaanshisiisa Miiska lagu gorfeynaayo Amniga Sonalia, iyadoo uu Miiskaasi uu dhinac ka Fadhiyo Madazweynihii u xushay inuu Amniga kala taliyo, waan ayaan darro iyo mid u dhac iyadoo xiligaan ay si xowli ah u socdaan Olole balaaran ay Dowlada iyo Dadweynaha u istaageen iney iska dhiciyaan kooxaha Argagixisada iyo kuwa u adeega.

213600cookie-checkMa Dhabaa in Mareykanka ay ka Goos Qabsadeen iney Dal ku gal siiso La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com