Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Xil Magacaabis soo Saaray

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug u magacaabay Faysal Shiikh Cali Maxamed…

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Karaasha ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku yiri “Waxaan Guddoomiyaha gobolka Mudug u Magacaabay Mudane Faysal Shiikh Cali Maxamed”.

Magacaabista Axmed Karaash ayaa lagu baahin warbaahinta Madaxtooyada, waxayna ku soo aaday xili uu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-geenka Puntland, isla markaasna aysan ka hadlin magacaabista cusub, Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug ayaa noqdey Xildhibaan waxaana dastuurku u diidayaa in uu hayo xil xaynkaas oo kale ah.

184980cookie-checkMadaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Xil Magacaabis soo Saaray