Xafiiska Xeer ilaalinta Oo Iclaamiyay Dagaal & Dabagal Maaliyadeed Ee Kooxda Shababka

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa olole balaaran oo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamuud hormuud u yahay ayaa si rasmi ah u bilaabay dagaal dhinaca maaliyadda ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab iyo qeybaha Ganacsatada iyo Shacbiga ee ku gacan siinaaya sida uu ku sheegay muuqaal uu xalay ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka…

Wuxuu sheegay inay baaris iyo dabagal ku hayaan shaqsiyaad uu ku sheegay inay ku eedeysan yihiin dambiyo la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta aragagixisada, “Dambiyadan ayaa keenaya inuu kobco dhaqaalaha maleeshiyada argagixisada ay ku maalgelinayaan burburinta bulshadeenna Soomaaliyeed, sidaa daraadeed Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wuxuu si dhow u daba socdaa isaga oo kaashanaya Hey’adaha baarista iyo kuwa caalamka dhaq-dhaaqyada maaliyadeed ee lagu dhaqayo lacagaha, laguna maalgelinayo argagixisada” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa sidoo sheegay inuu digniin adag u dirayo dad uu ku sheegay inay garsoor u raadsadaan Al-shabaab, wuxuuna intaas ku daray in qof kasta oo lagu tuhmo inuu garsoor u doontay Al-shabaab la horkeeni doono sharciga.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay aaminaan dowladda, ayna ku garab istaagaan dadaallada lagu wiiqayo aragagixisada, loona hoggaansamo dhammaan shuruucda dalka” ayuu xeer ilaaliye Sulaymaan Maxamuud kusoo gabagabeeyay.

216330cookie-checkXafiiska Xeer ilaalinta Oo Iclaamiyay Dagaal & Dabagal Maaliyadeed Ee Kooxda Shababka