Warbaahinta Dowlada Oo Shaacisay in Duqeyn Lagu Dilay 2-Horjooge Oo Shababka ka tirsan

Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa sheegatay iney hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo Saaxiibadooda Caalamka ku dileen laba ka mid ah Horjoogeyaasha ugu sareeya kooxda Shabaabka, kuwaasoo muddo lagu raad joogay dhaqdhaqaaqooda..

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaan uu ka dhacay degaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe 1-dii Bishan October, waxaana lagu dilay Cabdullaahi Nadiir Madaxa Dacwada ee Kooxda, ahaana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan kooxda, Marka laga soo tago Horjoogaha guud iyo Madaxa Amniyaadka oo dhamaantood ka soo wada jeedaan Beesha Dir, Horjoogahaan ayaa dumaalay (qabay) Sacdiyo Macallin Daahir Aweys oo ay walaalo yihiin Xasan Daahir, waxaana horey u qabay Horjooge ka soo jeeda Beesha Direed oo duqeyn la dilay laguna magacaabi jiray Dayib.

Cabdullaahi Nadiir ayaa waxaa madixiisa saarnayd lacag dhan $3-Millions, Horjoogaha wuxuuna adeegsan jiray magacyo badan sida: Cabdullaahi Yariisow, Cubeyd iyo Cabdullaahi Yare, uuna horey usoo noqday madaxa warbaahinta kooxda.

Dhanka kale, waxaa sidoo kale shalay dilay Horjooge Ibraahim Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa wiil uu dhalay Horjoogihii Isbul Islam Somalia, isla markaasna guriga la jooji jiray xiligaan u xiran dowladda Federaalka, ilaa hadda lama yaqaano waxaa geeyay Gobolka Jubada dhexe, Ibraahim ayaa lagu dilay duqeynka dhacday deegaanka Xaramka, taasoo faahfaahin badan aan laga helin, inkastoo wararku maran habaabin ay sheegayaan inuu Dacwad Beer u tagay Gobolka Shabeelada hoose, waxaase xaqiiqo ah in la la dilay Horjooge Cabdullaahi Yare.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta NISA ay Talefonkii Mobile uu heysan Xasan Daahir laga qaaday, iyadoo aad loo xakameeyay dhaqdhaqaaqiisa lagana xiray dhamaan Account-yadii uu ku lahaa Baraha bulshada.

216730cookie-checkWarbaahinta Dowlada Oo Shaacisay in Duqeyn Lagu Dilay 2-Horjooge Oo Shababka ka tirsan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com