Cod-Bixin ka Dhacday Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay

World

Aqlabiyada inta badan Dalalka Xubnaha ka ah Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ganafka ku dhuftay soo jeedin in la dood, waxaana ay ku saleysneyd in la qabto dood ku saabsan tacaddiyada Shiinaha ku haayo dadka laga tirada badan yahay Muslimiinta Uyghur ee ku nool Xinjiang…

Wararka ayaa sheegay in Cod bixinta ay hormuud ka ahaayeen reer Galbeedka oo uu hormuudka u yahay Mareykanka si ay dood uga furaan xaalada xuquuqul insaanka ee dadka Muslimiinta ee Uyghur ee ku nool Gobolka Xinjiang ayaa looga adkaaday 19 cod.

Somalia ayaa ka mid aheyd dalalka u codeeyeen qaraarkaas qabyada ahaa oo ku saabsaneyd soo jeedinta in dood laga furo xaalada xuquuqul Insaanka ee dadka Muslimiinta laga tirada badan yahay, halka dalal kale oo Islaam ah sida Indonesia, Pakistan, Sudan, Senegal, Mauritania, Qatar iyo UAE ay diideen qaraarkaas oo ay la safteen Shiinaha waxaa ka aamusay Malaysia iyo Libya.

217830cookie-checkCod-Bixin ka Dhacday Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay