Qarax Is-Miidaamin ah oo ka dhacay Degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal is-qarxin ah oo shalay maqribkii ka dhacay tuulada Milxo oo ku taal Buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa..

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 5-Qof ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, qaraxaan ayaa lagu sheegay fal is-miidaamin oo uu geystay naftii halige, waxlaha qarxa isku soo xiray, wuxuuna ka dhacay meherad ganacsi cunto iyo qayilaad isugu jirta, waxaana dadkii weerarkaas ku dhaaamacmay loo qaaday dhanka magaalada Boosaaso.

Waxaa yar wararka laga heli karo tuulada Milxo, iyadoo inta badan Isgaarsiinta deegaankaasi ay tahay mid aan la heli karin, Deegaanka Milxo waxaa saameyn ku leh Maleeshiyaadka kooxda argagixisada shabaabka ee ku sugan buuraleyda Calmdow, sidoo kale waxaa mararka qaar ka dhaca shaqaaqooyin la xiriira qodista dahabka.

212890cookie-checkQarax Is-Miidaamin ah oo ka dhacay Degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com