Qarax Xoogan Ayaa Ka Dhacay Magaalada Jowhar

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa qarax xoogan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, kaasoo geystay khasaare kala duwan, Xaaladda goobta qaraxa ka dhacay ayaa sidoo kale aad u kacsan..

Wararka ayaa sheegay in goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa lagu soo warramayaa halka loo yaqaano Todobada Geed oo ay ku yaalaan tiro maqaayado ay dadka ku sheekeystaan, waxaana la sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari NOAHA oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha, waxaana la sheegay in 5-Qof oo Rayid dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaraxaasi.

Waxaa la sheegay in goobta qaraxu ka dhacay ay ka soo horjeedo hoteelka Nuur Doob oo uu dhawaan ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoog leh, Mas’uuliyiin ka tirsan Laamaha Amniga ee dowlad goboleedka HirShablle ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaano dheeraad ah.

206290cookie-checkQarax Xoogan Ayaa Ka Dhacay Magaalada Jowhar