Xoogaga Amaanka & Koox Burcad Hubeysan oo ku Dagaalamay Degmada Wadajir

Somalia news

Ciidamada amniga ee Dowlad iyo koox burcad hubeysan oo dadka dhaceysay ayaa xalay ku dagaalamay qeybo kamid ah degmada Wadajir, iyadoo dagaalka uu sababay in gacanta lagu soo dhigo kooxihii dhaca geysanayay qaarkood…

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa 5 qof oo kamid ah kooxihii dadka baaran jiray, sidoo kale waxaa gacanta lagu hayaa laba Mooto oo ay wateen, iyadoo la geeyay saldhigga Boliiska degmada Wadajir.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay Xaafada Ceelqalow Waaxda 1-aad ee janeral daa’ uud ayaa ka dambeeyay markii ay cabasho soo gudbiyeen Dadka degaanka oo Hey’addaha amniga la wadaagay dhibaatada ay ku hayaan kooxaha hubeysan ee dadka ka qaata taleefanada iyo mobilada, iyadoo fariintooda deg deg looga soo jawaabay.

Degmooyin badan oo kamid ah magaalada Muqdisho waxaa habeenadii la soo dhaafay ku soo kordhay dhaca ay geysanayaan burcada ku hubeysan qoryaha, bistooladaha iyo Toorida, waxaana meelaha qaar laga soo wariyay in dhalinyaro loo dilay falkan, iyadoo laamaha amaanka ay laba jibaareen howlgalada ka dhanka ah kooxahan.

193320cookie-checkXoogaga Amaanka & Koox Burcad Hubeysan oo ku Dagaalamay Degmada Wadajir
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com